Soomaalida Aan Heysan Sharciga Dalka Zambia Oo Ay Dowlada Zambia Ku Amartay Inay Dalkeeda Ka baxaan

jiinka January 16, 2013 Comments Off
Soomaalida Aan Heysan Sharciga Dalka Zambia Oo Ay Dowlada Zambia Ku Amartay Inay Dalkeeda Ka baxaan

Dowlada Zambia Oo Amar ku siisay Somalida aan Sharciyada Lahayn in Dalkeeda ka baxaan Iyo Somali laga qabqabtay Lusaka.

 

Soomaalida ku dhaqan dalka Zambia ayaa todobaadkan walaac xoogleh ka muujiyey go’aanka kasoo baxay dowlada Zambi Maadaama dalka Zambia uu yahay wadamada muhiimka u ah ganacsatada Soomaalida iyo waliba dadka qaxootiga ah.

 

Dowlada Zambia gaar ahaan Wasaaradeeda Arimaha Gudaha iyo Amniga ayaa amar ku siisay Somalida aan sharciyada lahayn inay ka baxaan Dalkeeda,

Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Zambia oo goob fagaare ah ka sheegay.

 

Wuxuuna sheegay Gudoomiyuhu in Wasaarada Arimaha Gudaha ay u yeertay Jaaliyada ayna ku wargalisay in Dowladu ay maalmaha soo socda bilaabi doonto Hawlgalo ay ku ugaarsanayso dadka aan wadankeeda ku joogin sharciyada.

 

Sidoo kale Laanta Socdaalka zambia ayaa xirxritay ku dhawaad 30 qof oo Somali ah.

Kuwaasi oo ay ku jiraan kuwo haysta Card -ka qaxootiga ee ay bixiso Hay,da Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashi@gmila.com

Comments are closed.