Maxkamad ku taala magaalada Cadan ee dalka Yaman ayaa go’aan kama dambeys ah ka soo saartay lahaanshaha dhismaha qunsuliyadda guud ee Soomaaliya ku leedahay magaalada Cadan.
Waxayna maxkamadda ay go’aankeeda noqday in labo loo kala qeybiyo dhismaha qunsiliyadda.
Mas’uuliyiinta qunsuliyadda Soomaaliya ee Cadan oo shalay hortegay maxkamadda ayaa waxaa lagu wargeliyay go’aanka maxkamadda ay ka gaartay lahaanshaha dhismaha qunsuliyadda,
Iyadoo qeyb ka mid ah dhismaha lagu wareejinayo dad u dhashay Yeman oo in muddo ah ku doodayey lahaanshaha dhismaha qunsuliyadda.
Maxkamadda ayaa shan qodob oo ku aadan lahaanshaha dhismahaasi iyo qaabka loo qeybsanayo dhismaha ay soo saartay ayaa waxaa ka mid ah qodobadan:-
In dhismaha qunsuliyadda ay kala qeybsadaan labada dhinac oo kala ah dowladda Soomaaliya iyo qolada sheeganaysa milkiyadda guriga.
Si simana loo qeybsado guriga, qori tuurna lagu kala qaaato labada qeybood, in haddii sidaas lagu kala baxo ay qunsuliyadda ku wareejiso qolada kale asliga dukumiintiga lahaanshaha guriga oo hadda gacanta qunsuliyadda ku jira.
In labada dhinaca uu mid waliba dusha saarto bixinta qarashkii ka galay dacwadda, labada dhinac waxay xaq u leeyihiin inay qaataan Abiil ama rafcaan,
Marka gacanta loo geliyo go`aanka maxkamadda oo qoraal ah, go`aankaas oo soo bixi doona bil ka dib iyo sidoo kale labada dhinaca waxaa la siiyey muddo 2 bilood ah oo ay ku soo gudbin karaan abiilka ay ka qaateen go`aanka maxkamada.
Axmed Cabdi Xasan {Axmed Suudaani} oo ah qunsulka guud ee qunsuliyadda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Cadan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka maxkamadda ay ka soo saartay dacwada mudada socotay,
Isagoo sheegay in 40-sano ka badan dowladda Soomaaliya ay gacanta ku heysay dhismaha qunsuliyadda Soomaaliya.
Taas oo muujineysa buu yiri lahaanshaha dhismaha guriga.
Qunsulka ayaa sheegay in kooxahan dacwadda ku furay ay yihiin kuwo ka faa’iideysanaya qalalaasaha ka taagan dalka Soomaaliya iyo xiisadaha ka jira qeybo ka mid ah dalka Yeman.
Isagoo xusay inaysan sidaasi ugu hari doonin oo dowladda Yeman ay arrintan kala hadli doonaan, dowladda Soomaaliyana ay difaaci doonto dhismahaasi.
Tan iyo markii meesha ay ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-dii waxaa boob iyo burburin loo geystay hantida Qaranka Soomaaliyeed ee dibadaha,
waxaana la iibsaday qaar ka mid ah dhismayaashii safaaradihii Soomaalidu ku laheyd dibadda.
Halka kuwo kale la isku dayey in la iibsado ama la kireysto, halka kuwa 3-aadna ay u burbureen dayacaad ka timid dayactir la’aan heysatay guryahaasi muddo dheer, iyadoo ay xusid mudantahay in qaar ka mid ah guryahaasi la soo celiyey,
Waxaana Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Ameeriko.
Uu ku guuleystay inuu soo celiyo dhismihii safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo nin Hindi u dhashay sheeganayay ka dib markii laga iibiyey.
cumar c/rashiid
cumrrashid@gmail.com
Comments are closed.