Qaraxyo iska horimaadyo aan la ogeyn khasaarahaya ay geysteen ayaa xalay ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho.
Kismaayo iyo duleeka magaalada Boosaaso,waxaana qaraxydaasi iyo iskahorimaadyadaasi ay cabsi ku beereen dadka degan xaafadaha ay sida gaarka uga dheceen.
Rasaas culus oo mararka qaar la isu jawaabayo ayaa xalay markale laga maqlay gudaha iyo daafaha magaalada Kismaayo,
Kuwaas oo aan la ogeyn dhab haan waxa ay yihiin, balse loo maleynayo inay u dhaxeeyeen ciidamada huwanta ee gacanta ku haya magaalada Kismaayo iyo xoogagga Xarakada Al-shabaab.
Lama oga is-rasaaseyntaasi inuu khasaare ka dhashay iyo in kale, waxaana la sheegay in dhowr jeer gudaha magaalada laga maqlay dhawaaqa raasaasta oo si goosgoos ah u dhaceysa.
Marna si xoogan u dhaceysa taas oo la sheegay inay markii dambe istaagtay iyadoo markaasi ka dib ay goobtii tageen ciidamo ka tirsan kuwa huwanta ee magaalada gacanta ku haya,
Mana jirto cid ka tirsan labada dhinac ee isku haya gobolka Jubbada hoose oo ka hadashay israsaaseyntaasi xalay ka dhacday gudaha magaalada Kismaayo.
Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegay in tuulo ku taala duleedka magaladaasi qaraxyo lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland .
Kuwaas oo aan la ogeyn inay geysteen wax khasaare ah iyo in kale,
Waxayna wararku intaasi ku darayaan in heegan buuxa la geliyey ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso.
Si ay uga hortagaan qaraxyo ama weeraro ka dhaca gudaha magaalada.
Puntland qaraxyadani la sheegay in lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo marayey tuulo u jirta magaalada Boosaaso illaa iyo 50-KM, waxaase la sheegay in maamulka Puntland uu halkaasi ciidamo dheeraad ah u diray.
Dhanka kale waxay xalay abaare 12:00-habeenimo ee saqdii dhexe ay qaraxyo iyo israsaaseyn muddo kooban socotay ay ka dhaceen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.
kuwaas oo aan la ogeyn inay khasaare geysteen iyo in kale waxaase mar qur ah la maqlay qaraxyo iyo tacshiiro ku xigay kuwaas oo u muuqday in la isweydaarsanayey.
Ugu horey qarax ayaa dhacay ka dibna rasaas yaryar oo badan ayaa dhacday markale haddana qarax kii hore ka weyn ayaa dhacay waxaana ku xigtay rasaas yaryar oo iyana muddo kooban socotay.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Xarakada Al-shabaab, mana jirto cid ka hadashay qaraxyadaasi iyo rasaastii ka dambeysay ee xalay saqdii dhexe ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho.
cumar c/rashiid
cumarrshi@gmial.com
Comments are closed.