Magaalada Kismaayo ee xarunta u ah gobolka J/hoose ayaa xalay halkaasi ka dhacaday duqeyn culus.
Dagaalo ay isaga horyimaadeen ciidamada huwanta ee gacanta ku haya magaaladaasi iyo xoogagga Xarakada Al-shabab, kaas oo la sheegay inuu xooggiisu ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo.
Ciidamo ka tirsan kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday fariisin ay ku suganaayeen ciidamo Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo,
Waxaana la sheegay in dagaalka oo cuslaa awgeed ay keentay in ciidmada badda ee Kenya ay duqeyn xoogan u geystaan galbeedka magaalada oo uu ka socday dagaal culus.
dagaalkii xalay ka dhacay Kismaayo uu ka dhashay khasaarooyin kala duwan.
Rasaasta waa wey oo la is-weydaarsaneyey si weyn looga maqlayey gudaha magaalada iyo daafaheed oo dhan, markii dambe dagaalka iskiis isu taagay ka dib markii ciidamadii weerarka soo qaaday ay si iskood ah uga baxeen dagaalka.
Halkaasi soo buuxiyee ciidamo ka tirsan kuwa meletariga Soomaaliya.
Sidoo kale in madaafiicda dagaalkaasi ay waxyeelo ka soo gaartay dadka rayidka ah oo la sheegay inay xalay si weyn u dareemeen madafiicdaasi oo ka soo
dhaceysay dhinaca badda.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.