Kooxda Al Shabaab ayaa soo bandhigay meydka mid kamid ah Askartii Faransiiska ee ka qeyb qaatay hawlgalkii Buulo Mareer iyo hubkii uu watay.
Askarigan uu ahaa kii ku dhaawacmay dagaalkii Buulo Mareer oo ay ka tageen ciidamadii Komaandooska ee Faransiiska ee ku fashilay hawlgalkaasi.
Dowlada Faransiiska ayaa horey u xaqiijisay in ay ka dhinteen labo kamid ah Askartooda.
Ninka meydkiisa la soo bandhigay ayey Al Shabaab sheegtay inay ku qabteen dhaawac,
Hase yeeshee uu mar dambe u dhintay dhaawaciisa.
Al Shabaab ayaa sheegtay inay gacanta ku hayaan meydadka askarta Faransiiska.
Hubkii iyo qalabkii ay wateen askarta Faransiiska oo isugu jira hubka daraandooriga u dhaca, bistoolado, rasaas iyo qalab kale oo ay kamid ahaayeen birta katiinada lagu juro iyo biraha iridaha lagu jabiyo iyo waliba khariirada tuulada Buulo Mareer.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.