Wasaaradda Howlaha Guud Dakadaha iyo Korontada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dib u dhis lagu sameynayo xarumihii ay ku laheyd dalka kadib markii maanta wasiirka wasaaradaasi uu kormeer ku tagay qaar kamid ah dhisamayashii wasaaraddu ay ku laheyd magaalada Muqdisho.
Kormeerkan uu wasiirka wasaaradda howlaha guud Dakadaha iyo Korontada ku tagay xarumaha ay leedaha wasaaradda oo ay ka mid tahay xaruntii wakaalada xoogga korantada, xaruntii dhismaha iyo goobo kale oo ay leedaha wasaaradda.
Mudane Muxudiin Maxamed Kaalmooy wasiirka wasaaradda howlaha guud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kormeerkan uu yahay mid ay ugu kuurgalayaan xaaladaha dhismooyinka goobihii ay laheyd wasaaradda, waxa uuna xusay burbur xooggan ay ka muuqato xarumaha.
Sidoo kale wasiirka ayaa intaasi ku daray in laga saarayo qoysaska barakacayaasha ah ee deegaanka ka dhigtay xarumaha ay leedaha wasaaradda loona sameyn doono dib u jadin ay kala kaashanayaan hay’adaha maxaliga ah ee ka howlgala dalka.
Kormeerkan uu maanta ku tagay wasiirka xarumaha ay leedahay wasaaradda ayaa waxa uu yahay mid lagu soo indha indheynayo xaaladaha xarumaha wasaaradda si dib u dhis loogu sameeyo.
Daawo Sawirada Kormeerka
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.