Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa Oo Cambaareeyay Howl Galkii Buulo Mareer

jiinka January 14, 2013 Comments Off
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa Oo Cambaareeyay Howl Galkii Buulo Mareer

Iyadoo ay isi soo Tareyso Cambaareynta Loo Jeedinayo Howl Galkii Ciidamada Faransiiska ay Ka sameeyeen Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Sh/Hoose iyo Khasaarihii ka dhashay Weerarkaasi.

 

Guddoomiye Ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa ka war bixiyey haddii ay yihiin Baarlamanka Soomaaliya in howl galkaasi uu khasaaraha ka soo gaaray Dadka Rayidka ah.

 

Kuwaa oo ku noolaa Deegaanka ay Kumaandooska Faransiiska ay howl galka ku qaadeen ay u’arkaan in uu yahay wax laga Xumaado.

 

 

Dhawaan ayaa dowladda Faransiiska waaxaa Howl Gal fashilmay ay ku qaadeen Guri ku yaalla Deegaanka Buulo Mareer ee hoostaga Degmada Kuntu-waareey ee Gobolka Sh/Hoose.

 

Howl galkaasi oo faransiisku ay ku doonayeen in ay ku soo furtaan Lahayste Faransiis ah oo Muddo 3 sano ah Gacanta Ugu Jira Ururka Al Shabaab.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.