Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ku dhawaad toban Xawaaladood irdaha la isugu Dhuftay ka dib markii Maamulka Gobolka Sh/dhexe ay ku amreen in ay dhiibaan lacago Canshuuro ah.
Lacagahaasi oo gaareya 1000 Dollarka Mareekanka ah iyadoo arrintaasi ay ka dhega adeegeen Shirkadahaasi.
Maamulka Degmadaasi uu amar ku siiyay in Shirkadahaasi ay bixiyaan Lacagahaasi canshuuraha ah.
Dhawaan ayey ahayd Markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ku dhawaaqay in la hakiyo qaadista lacagaha Canshuuraha iyadoona Maamulka Degmada Jowhar uu ka billaabay qaadista Lacagaha Canshuuraha uu qaado Xarumaha Ganacsi ee degmadaasi.
Shirkadaha Xawaaladaha ee ka shaqeeya Magaaladaasi ayaa Maamulkaasina muddo kooban uu ka ariminayay Magaaladaasi.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.