Stadium Banadir Khabiirkii Cowska DHigay Oo FIFA Baaq U Diray

jiinka January 13, 2013 Comments Off
Stadium Banadir Khabiirkii Cowska DHigay Oo FIFA Baaq U Diray

Lex Vander oo ah khabiirkii cows-ka Artifishalka ah ku goglay garoonka kubada cagta Stadium Banadir muddo lix todobaad ah oo uu joogay Magaalada Muqdisho.

 

Xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA in uu ahmiyad gaar ahaaneed siiyo dalka Soomaaliya
oo uu sheegay in uu yahay dal ay ka go’antahay horumarinta kubada cagta wax badana kaga duwan wadamadii uu horay u tagay.
Mr. Lext Vander oo dalkiisa dib ugu labatay xalay kaddib markii uu si guul ah ku soo dhameystiray dhigista cowska garoonka ayaa xaflad sagootin ah oo loogu sameeyay baarka weyn ee Lido.

 

 

Waxaa uu sheegay in maamlo aad u wanaagsan oo farxad leh uu ku qaatay dalka Soomaaliya.
Masuuliyiinta xiriirka kubada cagta dalka Soomaaliya ay ahaayeen kuwo ay ka go’antahay in horay loo dhaqaajiyo kubada cagta dalkan oo kasoo kabsaneysa in ka badan 20 sanadood dagaalo socday oo dib u dhac dalka oo dhan ku keenay.

 

 

“Waxaan rabaa in aan halkan mahad celin uga diro ururka kubada cagta aduunka ee FIFA oo xil weyn iska saaray horumarka kubada cagta Soomaaliya,

Marka labaadna waxaan u mahad celinayaa madaxda kubada cagta dalka Soomaaliya gaar ahaana xoghayaha gud Cabdi Qani Saciid Carab iyo xubin guddiga fiulinta xiriirka Cali Cabdi Maxamed (Shiine) oo maalin kasta ila joogay tan iyo markii aan dalka imid.

 

 

Si weyn oo hufana iila shaqeeyay”ayuu munaasabada sagootinta ka sheegay Lex Vander.
“Waan la socda in FIFA ay Soomaaliya markasta siineysay ahmiyad gaar ahaaneed laakin waxaan hadana ugu baaqayaa FIFA in ay sii laba jibaarto dadaalkeeda,

Sababtoo ah waxaan halkan kula kulmay madax ay ka go’an tahay horumarka kubada cagta dhamaan dalalkii aan booqday madaxdoodu sidan ma ahayn”ayuu yiri Lex Vander.

 

 

Waxaa uu sheegay in tan iyo markii uu shaqada bilaabay muddo iminka 6 todobaad laga joogo aysan marnaba ka tagin xoghayaha guud Cabdi Qani iyo Cali Cabdi Maxamed taasina ay tahay arrin isaga si weyn u farxad gelisay.

 

 

“Shaqadan oo kale wadamo fara badan oo Africa ku yaala ayaan kas oo qabtay, laakin waxaa ay idinku noqoneysaa la yaab hadaan idin iraahdo waligey ma arkin dad madax ah oo sidiina oo kale maalin kasta garoonka u taagnaa.

 

Runtii Soomaaliya aad ayay ii soo jiidatay”ayuu Lex Vander ka sheegay munaasabadii sagootintiisa ee ka dhacday Lido Sea Food.

 

 

Waxaa uu dhanka kale ugu baaqay shirkada Green Fields in ay caawiso Soomaaliya intii karaankeeda ah maadaama uu yiri Soomaalidu ay yihiin dad fir fircoon hadana ay ka soo kabsanayaan dagaalo muddo dheer socday oo wax kasta dib u dhac u keenay dalkan.
Dhanka kale asiga uu garoonka diyaaradaha Muqdisho halkaas oo uu ka raacay diyaarad ay leedahay Shirkada Turskish Airlines isagoo xalayna si nabad ah ku gaaray dalkiisa.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.