Deegaanka Buula Mareer Ayaa Ciidamo Faransiis Ah Dagaal Kula Galay Dagaalyahanada Xarakada Al-shaab

jiinka January 12, 2013 Comments Off
Deegaanka Buula Mareer Ayaa Ciidamo Faransiis Ah Dagaal Kula Galay Dagaalyahanada Xarakada          Al-shaab

Deegaanka Buula-mareer ee gobolka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in saakay uu halkaasi dagaal muddo kooban socday ku dhexmaray ciidamo Faransiis ah.

Kuwaa oo watay diyaarado dagaal iyo ciidamada Xarakada Al-shabaab ee deegaankaasi gacanta ku haya.

 

Dagaalka uu dhaliyey khasaare nafeed oo soo kala gaarta labada dhinac, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee soo kala gaartay laba dhinac ayaa haddana waxaa deegaankaas lagu arkay saakay maydka askari caddaan oo ah ku dhintay dagaalkii xalay.
“Diyaarado dagaal oo weerar ku soo qaadeen guri ku yaalla Buulo-mareer,

Halkaa soo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Al-shabaab, duqeyn kaddib dagaal culus ayaa dhacay.

Al-shabaab ay amar ku siiyeen dadku inaysan u dhawaan askariga lagu dilay dagaalkii xalay oo ay ku xiran yihiin qalab kala duwan.
Sarkaal u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in ciidamada soo weeraray ay ahaayeen Faransiiska oo ku daba-jiray sidii ay ku furan lahaayeen sarkaal muddo sannado ah looga haysto gudaha Soomaaliya.

 

“Allaah waa fashilyay qorshihii Faransiiska; mujaahidiintuna waxay gacanta ku hayaan maydadka askar caddaan ah oo lagu dilay dagaalkii xalay,” ayuu yiri sarkaalka u hadlay Xarakada Al-shabaab.
Laba sarkaal oo Faransiis ah ayaa lagu afduubay Muqdisho sanadkii 2009-kii kuwaa soo u joogay sidii ay dowladdii KMG ah gacan uga siin lahaayeen tababarka ciidamada iyo sugidda ammaanka.

 

Iyadoo weli uu gacanta Al-shabaab ku jiro Denis Allex halka sarkaalkii kalena uu horay u baxsaday.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmial.com

Comments are closed.