Qarax Miino Oo Xildhibaan Lagula Beegsaday Agagaarka Laami Yaraha Soobe Ee Magaalada Muqdisho

jiinka January 12, 2013 Comments Off
Qarax Miino Oo Xildhibaan Lagula Beegsaday Agagaarka  Laami Yaraha Soobe Ee Magaalada Muqdisho

Qaraxaani oo ahaa Qarax Miino ayaa Barqanimadii Maanta waxa uu ka dhacay agagaarka Laami Yaraha Soobe.
Qaraxaasi ayaa la sheegay in lala Beegsaday Mudane Ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Soomaaliya.
Dhaawacyo halis ah ay ka soo gaareen Qaraxaasi qaar ka tirsan Ilaalada Xildhibaanka oo la saarnaa gaariga qaraxa Miino lala Beegsaday.

 
Xildhibaanka qaraxa lagu weeraray ayaa Lagu Magacaabaa Xildhibaan -Cabdullaahi Xasan iyadoona Qaraxa lagula Beegsaday isagoo Maraya Agagagaarka Jaamacadda Indina Ocean ee Xaafadda Buulu Xubeey Degmada Wada Jir ee Gobolka Banaadir.
Xildhibaanka ayaa waxaa qaraxaasi ka soo gaaray Dhaawac Fudud laakiin waxaa dhaawacyo halis ah ay soo Gaareen qaar ka mid ah Ilaaladii la socotay Xildhibaanka.

 
Askar ka tirsan ilaalada Xildhibaanka oo yaalla dhulka kuwaasi Meesha ay ka qaadeen Gawaarida Gurmadka Deg deg ah kuwaasi oo durbadiiba ula Cararay xarumaha Caafimaadka Muqdisho.

 
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray Saraakiil Ka tirsan Hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya.

Qaraxaan uu ku soo beegmayo Xilli Muddooyinkii dambe waxa qaraxyo ah aysan ka dhicin Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.