Saddex kulan ciyaareed ayaa maanta ka dhacay garoonka Altaraji ee magaalada JEDDAH, iyadoo ay iswada arkeen kooxaha Iftiinka Caneykish Vs Xiddigaha Marka, Baanow Stars Vs LLPP, Barqash Stars Vs Goday.
Ciyaartii Koowaad ayaa waxay dhexmartay kooxha LLPP Vs BAANOW STARS, cayaartan ayaa ahayd tii ugu qaboobaneyd ciyaaraha ka dhacay ilaa iyo haatan garoonka Cabaadi, waxayna kusoo gabagabowday 0 – 0 oo ay dhibcihii ciyaarta ku kala qeybsadeen labada kooxood.
Cayaarta Labaad oo ahayd mid ay dadweynihii sugayeen in mudo ah ayaa waxay dhexmartay kooxaha BARQASH STARS Vs GODAY oo horey ciil isugu qabay waxayna halkaasi ka muujiyeen cayaar wanaagsan oo dadkii ku reebtay xusuus gaara, waxayna muteysteen inay noqdaan ciyaartii ugu wanaagsaneyd ee ilaa iyo haatan la ciyaaro.
Weerar iyo weerar celis ay labada kooxood ku soo galeen ayaa waxay dhalisay inay dhalintii reer GODAY daqiiqadii 3 aad kaga naxsadaan barbaartii BARQASH STARS Gool Koorne ahaa oo sidii loo soo tuuray goolka gashay.
Cayaarihii galabta dhacay ayaa jahwareer ku riday shakhsiyaadkii Isboorti ee isugu yimid garoonka iyadoo saadaashii laga bixinayay kooxaha ku guulaysanaya cayaarta iyo qaabkii ay ciyaaraha u dhaceen, iyada oo aad moodo in koox waliba ay lasoo shirtagtay naqshad cusub oo aan horey looga baran.
Kooxda Godey oo ay loolan ka dhexeeyaan kooxda Barqash Stars ayaa maanta ku ciil furatay dhigeeda, iyadoo halkaasi ka muujisay ciyaar farsamo leh, waxay gelinkii hore ee ciyaarta ku hogaaminaysay 2 gool iyo waxba.
Gelinkii dambe ee ciyaarta ayey naadiga Barqash Star dardar kusoo galeen waxaana daqiiqadii 16 aad u suura gashay inay gool la helaan shabaqa reer Goday, goolkaas oo ciyaarta ka dhigay mid kulul oo ay labada dhinac kolka koox dusha laga fuulay.
Dhalintii reer Godey ayaa waxaa u suuragashay inay gool saddexaad ka dhaliyaan Barqash Stars, oo aan is giijin, waxay cayaartu socotaba waxay mar afaraad la heleen shabaqa reer Barqash Goolkii niyada ka jebiyay ee ay cayaarta kusoo afjarantay, waxayna guushii cayaarta halkaasi ku raacday dhalintii GODEY oo 4 – 1 kaga badiyay Barqash Stars.
Cayaarta saddexaad ee dhexmartay Iftiinka Caneykish Vs Xiddigaha Marka ayaa ahayd mid baaqatay Jimcihii furitaanka, iyadoo loo yeelay xaflada furitaanka oo waqti qaadatay awgeed, waxayna halkaasi kusoo bandhigeen ciyaar farsamo iyo xeelado leh, iyadoo ay labada kooxood ka socdeen hal xaafad, hadana waxaana ka dhexeeya loolan gaar ah, taasi oo cayaarta siisay dhadhan gaar ah, waxayna gelinkii hore ee ciyaarta isla mari waayeen 0 – 0.
Kooxda Marka Stars ayaa gelinkii hore ee ciyaarta ku gacan sareysay farsamo iyo xeeladba, haseyeeshe ciyaartoydooda oo aan isla jaanqaadin ayaa sababtay in laga faa’ideysto kala qob qobnaantooda.
Gelinkii dambe ee ciyaarta ayey Kooxda Iftiinka Caneykish ku boobsatay Gool qurux badan daqiiqadii 39 aad, taasina waxay wax ka bedeshay hanaankii ay ciyaartu ku socotay, waxayna labada kooxood isku hayeen weerar iyo weerar celis aan dhamaad lahayn ilaa uu ka dhaco siirigii Garsooraha ciyaarta oo iclaamiyay guushii Iftiinka Caneykish 1 – 0.
Waxaa diyaariyay:
Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir “diyeeshe”
diyeeshe@hotmail.com
Comments are closed.