Sanadkii Hore Ee 2012 Oo Amisom Ka Warbixiyeen Waxqabadkoodii

jiinka January 10, 2013 Comments Off
Sanadkii Hore Ee 2012 Oo Amisom Ka Warbixiyeen Waxqabadkoodii

Ciidamada AMISOM Korneel Cali Aadan Xumad oo maanta shir Jara’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay waxqabadka Sanadkii hore ee Ciidanka AMISOm isagoo sheegay in Ciidamada AMISOM ay goobo badan oo horleh oo ay kala wareegeen Xarakada Al Shabaab ay isku faafiyeen ayna ka sameeyeen Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mida Gobollada Dalka Horumar ballaaran oo xagga Nabad Galyada ah.

 

Korneel Cali Aadan Xumad ayaa hoosta ka xariiqay in Sanadkaan cusub 2013 ay dar dar galin doonaan sida dalka oo dhan uu uheli lahaa xasilooni buuxda taasoo uu tilmaamay in kaalinta ugu weyn ay ka geysan doonaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee nabada ilaalinta ujooga Soomaaliya.

 

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa dowladda Gacan ka siiya Howlgaladeeda ka dhanka ah Ururka Al shabaab iyo xoojinta amniga Deegaanada ay Maamusho dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.