Qoxootiga Ku Sugan Dhadhaab & Kaakuma Oo Faransa DHaqaalo Ugu Deeqday

jiinka January 10, 2013 Comments Off
Qoxootiga Ku Sugan Dhadhaab & Kaakuma Oo Faransa DHaqaalo Ugu Deeqday

Dowlada dalka France ayaa shaaca ka qaaday in ku dhawaad 1.3 million oo doolar ay ugu deeqday qaxootiga Soomaaliyeed ku sugan xeryaha dhadhaab ee dalka Kenya.
Dowladaa france ayaa sidoo kale sheegtay in dhaqaalahaasi uu yahay mid loogu talo galay in lagu gargaaro dadka fuqarada ah ee boqolaalka kun gaaraya kuwaasi oo ka barakacay gobolada koofurta dalka Soomaaliya.

 

Deeqdaasi ayaa dowlada France waxay sheegtay in loosoo marin doono qaxootigaasi ururo caalami ah oo ka shaqeeya arimaha qaxootiga waxaana la sheegay in lagu wareejin dooni ururka International Organization for Migration oo IOM loosoo gaabiyo.

 

War qoraal ah oo kasoo baxay ururka IOM ayaa lagu sheegay in dhaqalahaasi la gaarsiin doono dadka loogu talo galay kuwaasi ka qaxay koofurta Soomaaliya hooyna ka dhigtay dhadhaab.

 

Madaxa ururka IOM ee Soomaaliya Cali Abdi ayaa sheegay in gargaarkaasi ay awoodaan inay xaqiijiyaan gaarsiintiisa dadka ku nool xeryaha qaxootiga ee dhabaab ee dalka Kenya iyo xerada qaxootiga Soomaalida ay ku sugan yihiin ee Ethiopia ,si wax loogu qabto caafimaadkooda.

 

Etienne de Poncins,oo ah safiirka France ee Kenya ayaa sheegay in Soomaaliya xiligaan isbedel laga dareemayo marka laga eego dhanka siyaasada iyo xaalada amaanka loona baahan yahay ka shaqeynta wax u qabashada dadka aan dalkooda ku sugneyn oo uu kala jeedo qaxootiga dhadhaab iyo Kaakuma ku jira.

 

Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Dibadiisa ayaa lagu qiyaasay inay gaarayaan hal milyan oo ruux,halka dadka ku barakacay gudaha dalka ay gaarayaan 1.5 mililyan.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.