Wasiirka Howlaha guud oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Suudaan u fadhiya Soomaaliya + Sawirro

xeydar January 9, 2013 Comments Off
Wasiirka Howlaha guud oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Suudaan u fadhiya Soomaaliya + Sawirro

 

Wasiirka Howlaha guud Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Md. Muxudiin Axmed Kaalmooy oo ay wehliyaan Wasiir K/Xigeenada Koowaad iyo labaad, Agaasimaha guud ee Wasaaradaas iyo Agaasimayaasha qeybaha kala duwan ee Wasaaradda ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad qaabilaad ahayd oo uu Wasiirka Wasaaradda ku qaabilayay safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya Al-Sayid Cabdi Muncim Dhayfur.

 

Munaasabadda qaabilaadda oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Howlaha guud ee magaalada Muqdisho ayaa waxay mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo safiirka Suudaan u fadhiya Soomaaliya uga wadahadleen arrimo la xariira sii horumarinta cilaaqaadka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dowladood, labada dal iyo labada shacab.

Kulanka oo jawi wanaagsan ku dhacay ayaa waxaa markii uu soo gabagaboobay si wadajir ah Saxaafadda shir jaraa’id ugu qabtay Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Md. Muxudiin Axmed Kaalmooy iyo safiirka Suudaan ee Soomaaliya Al-Sayid Cabdi Muncim Dhayfur.

 

abada mas’uul waxay faahfaahin ka bixiyeen waxyaabihii ay ka wadahadleen iyo wixii ay isla garteen, Wasiirka oo si gaar ah uga hadlay qodobada la isla gartay ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Suudaan uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen oo qoto dheer, wuxuuna sheegay inay isla garteen in Dowladda Suudaan ay kaalin mug leh ka qaadato dib u dhiska dalka Soomaaliya, iyadoo horay kaalin fiican kaga jirtay sidii ay u sii horumarin lahayd dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo gargaarka.

“Booqashada safiirka Suudaan ee Soomaaliya uu ku yimid xarunta Wasaaradda waxay ka tarjumeysaa oo ay ka dambeysay booqashadii Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Md. Xasan Maxamuud uu ku tegay dalka Suudaan”, ayuu yiri Wasiirka Md. Kaalmooy, wuxuuna xusay in Dowladda Suudaan haatan ay u soo jeesatay sidii ay uga qeyb qaadan lahayd dib u dhiska dalka Soomaaliya, maadaama Soomaaliya ay ka baxday xilligii KMG-nimada, wuxuuna sheegay in uu dhowaan Wasiirku booqan doono dalka Suudaan si uu ula kulmo Wasiirka dhigiisa ah ee Dowladda Suudaan ee Wasaaradda Howlaha guud si ay meel iskula dhigaan kaalinta ay ka qaadaneyso Dowladda Suudaan arrimaha dib u dhiska dalka.

 

Dhinaca kale safiirka Suudaan u fadhiya Soomaaliya Al-Sayid Cabdi Muncim Dhayfur oo isna hadal kooban siiyay Saxaafadda ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhoweynta Wasiirka iyo qaabilaadaba, wuxuuna sheegay in Dowladda Suudaan ay tahay Dowlad walaal ah oo la jire u ah dalka, dadka iyo Dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu ka sii shaqeyn doono sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka wanaagsan iyo walaaltinimada ka dhaxeysa labada dal.

 

Dhinaca kale Wasiirka Howlaha guud Md. Kaalmooy waxa uu sidoo kale xafiiskiisa ku qaabilay Maareeyaha guud ee Wakaaladda Batroolka Ummadda Dr. Xuseen Cali Axmed oo ay wehliyeen Safiirka Soomaaliya ee dalka Singapore Maxamed Colow Barrow iyo Khabiir ku taqasusay dhinaca dekedaha ahna La taliyaha dhinaca Dekedaha ee Dowladda Singapore Patrick Molliere, iyagoo isla soo qaaday qodobo la xariira horumarinta Howlaha Dekedaha.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.