Wasiirka horumarinta iyo adeega bulshada Drs. Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta dalka dib ugu soo laabatay ka dib markii laba todobaad socdaal shaqo ku soo kala bixisay dalalka Turkiga iyo Tuunisiya.
Markii ay ka soo degtay diyaaradii siday wasiiradda hormarinta iyo adeega bulshada ayey shir Jaraa’d ku qabatay qolka VIP-da garoonka waxayna sheegtay inay kulan la soo qaadatay R/wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, wasiirka caafimaadka, wasiirka arrimaha qoyska, wasiirka waxbarashada iyo wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dalka Turkiga ayna ka wada hadleen qodobo quseeya iskaashiga iyo taakulaynta dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Drs Maryan Qaasim Axmed waxa kale ay tilmaamtay in ay booqasho ku tagtay intii ay joogtay dalka Turkiga meelaha ay waxbarashada ka dhigtaan ardayda Soomaaliyeed.
Waxana ugu dambeyntii intaa ay ku dartay wasiirka in ay ka qeyb gashay kulan looga hadlay arrimaha tacliinta oo ka dhacay dalka Tuunisay madaxdii kulankaasi ka qayb gashayna ay ka wadda hadleen arrimo dhowr ah oo quseeya danaha Soomaaliya.
dhinaca kale wasiiradda maanta ku soo laabatay dalka waxaa wehliyay wafdi ka socday dalka Turkiga oo doonaya in booqdaan wasaaradda hormarinta iyo adeega Bulshada iyo caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.