Midowga Afrika Wafdi Ka Socda Oo Maanta Muqdisho Yimid

jiinka January 8, 2013 Comments Off
Midowga Afrika Wafdi Ka Socda Oo Maanta Muqdisho Yimid

Kadib markii uu maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho Uqaabilsanaha Midowga Afrika ee Soomaaliya Max’ed Saalax AL Nadiif ayaa waxaa uu la kulmay qaar ka tirsan Madaxda dowladda.

 

Kuwaasi oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay kawadaan Soomaaliya.

 
markii uu kulanka soo idlaaday Wasiirka arrimaha Gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed iyo Uqaabilsanaha Midowga Afrika ee Soomaaliya Max’ed Saalax Al Nadiif,

Iyagoo sheegay in dib u’eegis lagu sameyn doono Howlgallada Ciidamada AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya kadibna la horgeyn doono Golaha ammaanka ee Qarmada Midoobay si go’aan looga gaaro.

 

 

 

Kulanka Maanta ay yeesheen Masuuliyiintaani ka tirsan dowladda Soomaaliya Iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo isbedello dhinac weliba ah laga Dareemayo dalka Soomaaliya.

 
Tan iyo Markii ay Dowladda Soomaaliya ka gudubtay Xilliga KMG ayaa waxaa soo badanayay Wufuudda Caalamiga ah ee imaanaya Gudaha dalka.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.