Qaraxani oo ahaa Miino nuuca dhulka lagu aaso ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ee Degmada Afgooye waxaa lagula eegtay Gudaha Degmadaasi gaar ahaan Bar Koontarool oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen Gudaha Degmadaasi.
Sida Goob Joogayaal ay Idaacadda Shabelle uxaqiijiyeen 1 Askari ayaa ku dhintay askari kalena waa uu ku dhaawacmay qaraxaasi.
Qaraxa kadib ayaa halkaasi Ciidamada dowladda waxa ay ka sameeyeen howl gal xoogan oo lagu baarayayay Gaadiidka iyo Dadweynaha illaa iminkana lama sheegin cid lagu soo qabtay howlgalkaasi.
Maal mihii dambe ayaa howlgallo xoogan waxa ay ka socdeen Gudaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose kuwaasi oo lagu soo qab qabtay dad aad ufara badan oo qaarkood lagu eedeeyay in falal ammaanka caqabad ku ah ay ka wadeen Gudaha Degmadaasi Afgooye.
Ugu Dambeyn Maamulka Degmada Afgooye ayaa sheegay in ay fashiliyeen weeraro qaraxyo kale oo ka dhici lahaa gudah Degmadaasi kadib markii ay soo saareen dhowr miino oo ku aasnaa qaybo ka tirsan Degmadaasi Afgooye
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.