Weeraradaani oo ahaa illaa labo bambaano oo nuuca gacanta lagu tuuro ayaa xalay waxaa lagu weeraray Guri uu ka degenyahay Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya Magaalada Kismaayo.
Xarunta Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Xaafadda Calaleey ee Magaaladaasi.
Bambaanooyinkaan lagu weeraray Guriga Sarkaalka ayaa inta laxaqiijiyay waxaa ku dhintay 1 askari 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen iyadoo kooxihii weerarka geestayna ay meesha isaga baxsadeen.
Waxyar kadib markii ay dheceen weeraradaasi ayaa sidoo kale iska hor’imaad laga Maqlay guud ahaan Magaalada waxa uu ka dhacay agagaarka Dekedda Kismaayo iyo Jaamacadda kaasi oo la isugu adeegsaday.
Hubka Cul culus iyo hubka fud fudud iyadoo dadka ku nool Magaalada Kismaayo ay dareemeen cabsi iyo qal qal ku aadan Madaafiicda dhinacyadaasi ay isku adeegsanayeen.
Dhinacyadii dagaalku uu ku dhexmaray gudaha Magaaladaasi ee Maleeshiyaadka Axmed Madoobe iyo Ururka Al Shabaab ee weerarka halkaasi ku qaaday.
Meelihii lagu dagaalamay ayaa saaka degan iyadoo ay gacanta ku hayaan Maleeshiyaadka Raaskaambooni waxaana halkaasi laga dareemayaa howl gallo ballaaran oo ay sameeynayaan Maleeshiyaadka Raas Kaambooni.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.