Kulan looga hadlayay sidii loo dardar galinta howlaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayna ka qeyb galeen wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Kulankan oo ay ka qeybgaleen wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka, wasiir ku xigeenada wasaaradaas iyo maareeyaha garoonka Muqdisho ayaa waxaa looga hadlaayay dardar galinta howlaha uu bulshada u hayo garoonka Muqdisho iyo sidii loo soo celin lahaa adeegyo muhiim u ah howlaha isu socodka hawada Soomaaliya kuwaas oo iminka gacanta ugu jira hay’addo ka tirsan Qaramada Midoobay.
Maareeyaha hay’adda Duulista iyo Saadaasha hawada Cali Maxamuud Ibraahim “Cali Madoobe” oo kulanka ka hadlay ayaa warbixin dheer ka siiyay wasiiradda halka ay marayaan howlaha garoonka iyo dadaalada looga baahan yahay in wasiiradda ay u galaan soo celinta maamulka hawada Soomaaliya oo hada ay shirkado kale ay maamulaan.
Sidoo kale wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Muxudiin Maxamed Kaalmooy oo isna hadlay ayaa sheegay is barasho kadib in wasaaradu ay qaadi doonto talaabooyin dhabaha loogu xaaraayo soo celinta adeegyo badan oo aas aasi u ah howlaha wasaaradda loo igmaday isagoo sidoo kale sheegay in horumarin badan lagu samayn doono Gigida caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si kuwa caalamka uu ula jaan qaado.
Kulanka uu maanta la qaatay wasiirka iyo ku xigeenadiisa maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ah mid looga arrinsanayay sidii dib loogu soo nooleyn lahaa adeegyadii muhiimka ahaa oo uu lahaa garoonka Muqdisho.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.