Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay ka warqabaan dhalinyaro badan oo Soomaali ah kuwaasi oo ku xiran dalka Liibiya.
Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in tirada Soomaalida ku xiran dalka Liibiya ay gaarayaan ilaa 700-oo dhalinyaro ah isaga oo sheegay in guddiyo gaar ah usaari doonaan arimaha dhalinyaradaasi.
Wuxuu sheegay in horay loosii daayay dhalinyaro badan oo Soomaali ah kuwaasi oo qaarkood ku xirnaa dalalka caalamka kuwa iminka ku xirana Liibiya ay dadaal dheeri ah ugeli doonaan sii deesmadooda.
Ugu dambeyn wuxuu sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed aysan ka fiirsan dalalka ay aadayaan halkaasina ay kula kulmaan dhibaatooyin kala duwan oo dhanka ammaanka ah.
Xabsiyada dalka Liibiya ayaa waxaa ku xiran Soomaali badan kuwaasi oo doonaye inay qaab tahriib ah kugalaan dalalka caalamka balse ciidamada dalka Liibiya ay xabsiga dhigeen.
Safaarada Soomaaliya ee dalka Liibiya ayaa dhowr mar shaaca ka qaaday in xabsiyada dalkaasi Liibiya ay kasiidayeen Soomaali badan kuwaasi oo qaarkood dalka dib ugu soo noqday halka qaar kalena ay tahriibeen.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.