War Deg Deg Ah Gobolka Gedo Oo Dagaal Goordhow Ka Dhacay

jiinka January 6, 2013 Comments Off
War Deg Deg Ah Gobolka Gedo Oo Dagaal Goordhow Ka Dhacay

Gobolka Gedo ayaa waxa ay tilmaamayaan in deegaanka May Kooreebi uu Dagaal Culus Goor dhow ka qarxay.

 

Dagaalka ayaa waxa uu udhexeeyaa Ciidamada dowladda iyo Kuwa Ithopiya oo dhinaca iyo Ururka AL Shabaab.
Gudaha Deegaanka ayaa laga maqlayaa Hugunka Hubka Culus iyo dhawaaqa rasaasta oo aad uxoogan iyadoona durbadiiba barakac uu ka bilowday Gudaha Deegaankaasi,

 

Dad Goob Joogayaal ah ayaa usheegay idaacadda Shabelle in halkaasi ay dagaal ku soo qaadeen kooxo ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Labadii maalin ee ugu dambeysay ayaa waxaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo aad uxoogan laga dareemayay Deegaanno iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo iyadoo Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa Ithopiya ay sheegeen in ay ka go’antahay in Al Shabaab ay ka sifeeyaan Gobolkaasi.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.