Munaasabad balaaran oo xariga looga jarayay garoonka kubadda cagta lamagalaay ee magaalada Beledweyne kaasoo ay dayactir ku sameeyeen ciidamada aan walaalaha nahay ee Jabuuti.
Garoonka xaflada lagu furayay oo ay kaqeybgaleen saraakiisha ciidamada Jabuuti ee kusugan Beledweyne iyo mas,uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.
Wxaaa ugu horeyn daaha looga rogay Furitaanka garoonka cayaar dhexmartay 2 kooxood oo kala ah Buundoweyn iyo Howlwadaag taasoo ay Guushu ku raacday kooxda ka socotay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne.
Taliyaha ciidamada AMISOM ee kusugan magaalada beledweyne Col.Zakariye oo ugu horeyn goobta Kahadlay ayaa sheegay in garoonkan dayactirka ay ku sameeyeen ay ugu talagaleen,
Sidii dhalinta Soomaaliyeed ay isku dhexgeli lahaayeen islamarkaana bulshada loogu dhiiri gelinlahaa nabadda iyo Horumarka.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane C/fataax Xassan Afrax ayaa uga mahadceliyay ciidamada aan Walalaha nahay ee Jabuuti gacanta ay ka geysteen dayactirka garoonka waxa uuna xusay inay dhawaan Garoonka Lamagalaay ka bilaaban doonaan cayaaraha kooxaha kala duwan ee gobolkaasi ka dhisan.
Gobolka hiiraan oo ay caasimadiisu tahay Beledweyne ayaa tan iyo markii ay ciidamada dowladu la Wareegeen waxa uu ku talaabsanayay horumaro dhinacyo kala duwan leh iyadoo maalmo kahorna Xarunta gobolka loogu dabaal degey.
Sanad guuradii 1aad ee kasoo wareegatay markii kooxda Alshabaab Laga xoreeyay magaaladaasi taasoo muujineysa amniga kajira iyo sida ay uga muuqdaan calaamadaha Dowladnimada.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.