Kulanka Maanta oo ay soo xaadireen 170 Xildhibaan waxaana shirgudoominayay gudoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka dalka Jeeylaani Nuur Iikar iyadoo kalfadhiga diirada lagu saarayay doorashada gudoomiyaasha kuxigeenadooda iyo waliba Xubnaha gudiyada baarlamanka.
Mudanayaasha ayaa kulamo Gooni gooni ah kuleh Xarunta Golaha Shacabka kuwaasi oo ay uga doodayaan shaqsiyaadkii ay udooranlahaayeen Guddoomiyaahsa Guddiyada Baarlamaanka Soomaaliya.
Oo ka kooban 16 Guddi Hoosaadyo kuwaasi oo dabagal ku sameynaya lana Xisaabtamaya Hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.
Kadib furitankii kulankii maanta ayaa waxaa dhamaan gudiyadii dhawaan ay iska soo dhex xuleen baarlamaanka ay yeesheen gudoomiye iyadoo ay kasoo muuqdeen xildhibaano horay wasiiro usoo noqday.
khadiijo Maxamed Diiriye,ayaa waxaa loo doortay gudoomiyaha gudiga xaquuqul insaanka, haweenka iyo Arrimaha binn’aadanimada,iyadoo sidoo kale maanta la doortay gudoomiyaasha gudiga soo haray.
Guddi hoosaadyadaan ayaa waxaa dhawaan cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya iyadoona ay Xusid Mudantahay in baarlamaanka Soomaaliya dhawaan lagu wado in uu galo Fasax.
Gudoomiyaha gudiga difaaca Baarlamaanka ayaa waxaa loo doortay Xuseen Carab Ciise wuxuuna sheegay inuu si wanaagsan uga shaqeyn doono xilka loo doortay,wuxuuna horay usoo noqday wasiirkii gaashaandhiga xukuumadii KMG aheyd.
Dhinaca kale waxaa Baarlamanka hortooda lagu dhaariyay Faarax C/qaadir oo ah Wasiiru dowlaha Madaxtooyada waxaana dhaariyay Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Ceydiid Ilka Xanaf.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.