Tartanka Koobka SULEYMAAN COLAAD ROOBLE oo maanta ka furmay magaalada JEDDAH ee dalka boqortooyada Sacuudiga.

xeydar January 4, 2013 Comments Off
Tartanka Koobka SULEYMAAN COLAAD ROOBLE oo maanta ka furmay magaalada JEDDAH ee dalka boqortooyada Sacuudiga.

Tartanka Koobka SULEYMAAN COLAAD ROOBLE oo maanta ka furmay magaalada JEDDAH ee dalka boqortooyada Sacuudiga.

Waxaa galinkii dambe ee maanta oo Jimce ah ka furmay Garoonka weyn ee ALTARAJI ee xaafada Sharafiya tartan kubadda cagta ah, oo loogu magac daray wasiirkii hore ee Isboortiga Soomaaliya, halyey SULEYMAAN COLAAD ROOBLE, taasi oo ay ka qaybgalayaan 20 kooxood.

 

Xaflad gaaban oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa ka dhacday garoonka, iyadoo ay kasoo qeyb galeen gudoomiyayaasha kooxaha ka qeybgalaya tartanka, iyo shakhsiyaad isboorti oo magac ku leh dalkeena Soomaaliya, sidoo kale waxaa halkaasi goob joog ka ahaa diblomaasiyiin ka tirsan qunsuliyadda Soomaaliya ee magaalada Jeddah.

Tartankan oo ay soo qaban qaabiyeen gudiga Xiriirka Kubadda Cagta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jeddah – Caneykish – ayaa wuxuu qeyb ka yahay tartamada lagu maamuuso halyeeyada qaranka Soomaaliya, iyadoo tartankan lagu xusayo wasiirkii hore ee Isboortiga dowladda Federaalka Soomaaliya halyey SULEYMAAN COLAAD ROOBLE oo ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Hotel SHAAMOW ee magaalada Muqdisho, waxaana soo qaban qaabiyay xiriirka K.Cagta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jeddah – Caneykish – oo kala ah:

 

Muuse Maxamed Cabdalla “GOOBE”, Awees Amiin Cabdalla, Nuurow, Maxamed Xaaji, Siid Cali AJKA, iyo Yuusuf Xaaji.
Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha qabanqaabada tartanka Aweys Amiin Cabdalla oo sheegay in tartankaani ay ka qayb galayaan ilaa 20 kooxood u jeedkiisana uu yahay inay dhalinta ka fogaadaan waxyaabaha muqaadaraadka ayna is dhexgalaan dhalinta Soomaaliyeed ee qurba jooga ku ah dalkan Sacuudiga, maadaama Sportiga uu yahay is dhex galka bulshada, waxaana uu sidoo kale sheegay inta uusan furmin tartankaani ay sameeyeyn xaflad furitaan taasi oo ay ka soo qaybgaleyn masuuliyiinta Soomaaliyeed ee magaalada Jeddah, qaybaha kale duwan ee bulshada iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka xiriirka kubadda cagta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jeddah gaar ahaan xaafadda Caneykish.

Tartankan ayaa qeyb ka ah tartanada ay soo qaban qaabiyeen xiriirka kubadda Cagta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jeddah xaafadda Caneykish, iyadoo ay jiraan abaalmarino la siindoono kooxdii qaada koobka, waxaa sidoo kale jira abaalmarino la siindoono ciyaaryahanka ugu wanaagsan ama ugu akhlaaqda wanaagsan tartanka, iyo kooxda ugu wanaagsanaata ciyaarta, iyo ciyaaryahanka ugu gool dhalinta badan.

Ciyaartii ugu horeysay tartankan lagu furay ayaa waxay dhexmartay kooxaha SYL iyo GUMEYSI-DIID.
Labada kooxood ayaa markii hore kusoo galay feejignaan iyo difaac adag oo ay koox walba ku xiraneysay goolkeeda, waxayna soo bandhigeen ciyaar xiiso badan oo soo jiidatay dadweynihii usoo daawasha tagay galabta.
Waxay ciyaartu socotaba daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta gelinkeedii hore ayaa waxaa kooxda ku ciyaaraysay magaca SYL usuura gashay inay gool macaan badan ka dhaliyaan naadiga GUMEYSI-DIID, taasina ay gelinkii hore kusoo gabagabowday 1 – 0 oo ay ku hogaaminaysay naadiga SYL.
Gelinkii dambe ee ciyaarta ayaa koox walba waxay lasoo tashatay tababaraheedii waxayna ku soo galeen weeraro isdaba joog ah, haseyeeshee kooxda SYL oo aad mooday inay khibrad ku ciyaarayso waxay markiiba xoojisay garbaha iyo dhexda waxayna si darandoori ah la heleen shabaqa goolhayihii naadiga GUMEYSI-DIID afar gool oo xiriir ah. waxayna ciyaartii ku soo idlaatay 5 – 0 oo ay guushu ku raacday kooxda SYL.


Naadiga SYL ayaa cayaarta ku wanaagsanaa intii lagu jiray garoonka, waxayna muujiyeen dadaal iyo khibrado, inkastoo ay cayaaryahanadooda ahaayeen kuwo kalsooni dheeri ah qabay taasi oo hoos u dhigtay inay goolal fara badan kaga badiyaan naadiga GUMEYSI-DIID oo jawiga ciyaarta ka maqnaa gaar ahaan gelinkii dambe ee ciyaarta.

waxaa diyaariyay:
Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir “Diyeeshe”
diyeeshe@hotmail.com

Comments are closed.