Al-Shabaab & Mucaaradka Ugandha Oo La Sheegay In Ay Xiriir Leeyihiin

jiinka January 4, 2013 Comments Off
Al-Shabaab & Mucaaradka Ugandha Oo La Sheegay In Ay Xiriir Leeyihiin

Qaramada Midoobe ayaa lagu sheegay in Kooxda falaagada ah ee Allied Democratic Forces (ADF) ee ka dagaalanta dalka Uganda ay ku sii fideyso wadamada Bariga Africa.
Sida laga soo xigtay warbixintan Faalagada ADF ee Uganda ayaa xiriir wada shaqeyn la leh Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya taasi oo gacansaar toosa laleh Ururka Al Qaacida.

 

Ciidamada booliska dalka Uganda ayaa Isniintii waxa ay soo saareen digniin ay ku sheegayaan in ay heleen warbixin sirdoon oo ku aadan in kooxda ADF ay qorsheynayso weeraro argagixiso oo ay qaadaan waqtiga ciidanada Kirishmiska ee loo dabaaldagayay sanadka cusub.

 

 

Waxa uu sidoo kale Janaraal Aronda Nyakairima uu tilmaamay in dagaalyahanada kooxda falaagada ah ee ADF ay qabsadeen goobo u dhaw Eringeti oo qiyaastii 90km u jirta xadka Ugada ay la wadaagto Jamhuuriyada Demoqoradiga ah ee Congo.

 

Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganada Janaraal Aronda Nyakairima ayaa bartamihii Bishii la soo dhaafay sheegay in Falaagada ADF ay dib isku abaabulayaan islamarkaana ay ka kooban yihiin 600-oo dagaalyahay si aad ahna u hubeysan.

Ururka Al Shabaab ayaa dagaal kala soo horjeeda dowladda Soomaaliya oo ay taageeraan Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.