Shirweynihii 6aad ee gudiga Olombikada Soomaaliyed ee GOS oo ah hey’adda ugu sareysa Sportiga dalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtey magaalada Muqdisho.
Halkaasi lagu doortey madaxda afarta sano ee soo socota maamuli doona Gudigaasi oo ay hoos yimaadaan toboneeyo xiriir iyo ururo sports.
Madaxdii goob jooga u ahayd shirweynahaasi oo ka socdey dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa,
Wasiir ku xigeenka iyo wasiiru dowlaha hor-umarinta iyo arimaha bulshada.
Bashiir Maxamed Jaamac (bashiir Goobe) iyo Maxamuud Barkahdle,iyagoo halkaasi kasoo jeediyey qudbad ay ku cadeynayeen sida Gudiga olombikada iyo xiriiradiisa ay wada shaqeyn ula yeelan lahaayeen dowladda dalka ka jirta.
Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo ah gudoomiyaha maamulka Banaadir iyo Duqa Muqdisho ayaa halkaasi daaha ka rogey furitaankii shirweynaha isagoo ku nuux nuuxsadey in Muqdisho ay iminka marti gelin karto ciyaaraha caalamiga ah.
Nabadgelyada ay tahay iminka mid leysku haleyn karo,
Isagoo balamn qaadey in uu taageeri doono guud ahaan Sportiga dalka,inkastoo uu kula dardaarmey in la joojiyo in magac ciyaaryahano lagu dhoofiyo shaqsiyaad caadi ah oo la iibsado.
Waxaa halkaasi laga aqriyey waxqabadkii gudiga Olombikada Soomaaliyeed mudadii 4-ta sano ahayd ee lasoo dhaafey, iyadoo xisaab iyo dhaqaale horey loo isticmaaley lagu sharxay qaab qoraal Video ah iyo aqrinba,
Ma jirin cid la tartameysay Musharixiinta u taagneyd jagooyinka Gudoomiye, Ku xigeennada ilaa xoghaynta.
Waxaana halkaasi codka ka bixinayey ilaa 18 ruux oo ka kala socdey xiriiro hoos taga GOS ururo iyo 5 zone oo ka socdey gobolada dalka,
Iyadoo halkaasi uu ka maqnaa codkii saxaafadda GOS oo kursigiisu cidlo ahaa.
Si kastaba Gudoomiyaha GOS ayaa waxaa cod aqlabiyad leh oo gaaraya 18 ku heley Cabdullaahi Axmed Tarabi,
Ku xigenka 1-aad waxaa 17 cod Ku heley Axmed Xasan cabdi (Wataac) ku xigenka 2aad, Xasan Axmed Cabdi Elman,3aad Ibraahim Abuukar Shaamow, halka Xoghayaha loo doortey Duraan Axmed Faarax.
Sidoo kale waxaa halkaasi laga aqriyey magacyada gudiga fulinta ee GOS oo dhan 12, intooda badana ay yihiin gudoomiyaasha xiriiriada marka laga yimaado Khabiir Xaaji Maxamed Coloow,Cumar Baarajab,Abuukar Isloow iyo xubno kale.
Waa doorashadii ugu horeysey ee ka dhinaca Gudiga Olombikada iskastoo aysan jirin musharixiin horey loogu iclaamiyey inay soo gudbiyaan waxqabadkooda iyo inay tartamayaan yihiin hadana jawigu waxaa uu ahaa mid farxadeed oo laga dhowrayo gudoonkan cusub inay isbedel sameeyaan.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.