Dhalinyarada Soomaali Mareekanka ah Oo OBAMA digniin udiray Qatarta

jiinka January 3, 2013 Comments Off
Dhalinyarada  Soomaali Mareekanka ah Oo OBAMA digniin udiray  Qatarta

 

Madaxweyne Obaama ka hadlayay magaalada Washiton ayaa ka dhawaajiyay in la adkeeyo amaanka dalka,xilli u sheegay in ay soo badanayaan dhalinyarada lala xariirinayo Argagixisinimada ee doonaya in ay qal qal geliyaan guud ahaan amaanka dalka Mareynkanka.

 

Madaxweyne Obama ayaa uga digay dhalinyaradaasi in ay ku biiraan Ururka AL qacida taasi uu sheegay in ay leedahay halisteeda isagoo ku booriyay in ay ka fikiraan Masiirkooda dambe.

 

Hadalka Madaxweynaha Mareynkanka Obama oo uu soo xiganayay Wakaalada Washiton Post, ayaa wuxuu ku sheegay in Madaxweynaha Mareynkanka uu aad u careysnaa markii uu ka hadlayay arintaan soo badashada dhalinyarada ee dalka Mareynkanka,

 

Waxaana hadaladiisa laga dheehanayay rajo xumo dhanka amaanka Mareynkanka oo dadka uu sheegayo ay halkaasi weeraro ka geystaan.

“aniga maqalkeyga dhawaanahan waxaa ku batay qabashada Argagixiso oo isugu jira kuwo baxsad ah iyo kuwo kale oo looga shakiyay inay Damacsanayeen qalqal gelinta amaanka.

 

Si gaar ah dhalinyarada Soomaaliyeed il gooni ah halugu eego waxaa jira qaarkood oo Soomaaliya u safray dibna dalka ugu soo laabtay,waxaa laga yaabaa in ay kuwaasi dhib ay la soo laabteen.

 

Waxa uuna baaq u diray ciidamada amaanka iyo Hay’adahooda qaabilsan amaanka in ay iska gaashadaa amaanka dalka Sidii looga hortagi lahaa waxyaabo carqalado ku ah hanaan u socodka amaanka ay ku nool shacabka isku dhafan Mareynkakanka iyo Soomaalida isugu jira.

 

Madaxweyanaha Mareynkanka oo ku dheeraday ka hadalka qatarta ka imaankarta dadka lala xariirinayo Argagixisinimada ee ku soo kordhay dalka Mareynkanka ayaa waxuu tilmaamay in dhawanahan uu maqlayay dhalinyaro la xiray iyo waxyaabo qarxa oo la qabtay.

 

Arintaasina waxuu ku amaanay ciidamada boliiska dalkaasi.

 

Ugu danbeeyntii Madaxweyanaha ayaa sheegay in haatan dhalinayaro lala xariirinayo Al-shabaab in ay ku jiraan xabsiyada dalka,
Islamarkaana qaarkood xukun uu ku dhacay halka kuwa kale xukun sugayaal ay yihiin.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.