Bacadlaha Xamer Weyne oo ganacsato lagu wareejinayo

jiinka August 22, 2012 Comments Off
Bacadlaha Xamer Weyne oo ganacsato lagu wareejinayo

Maamulka Gobolaka Banaadir ayaa waxaa uu sheegay in ay gabo gabo ay mareyso dayactirkii ka socday Suuqii weynaa ee Bacadlaha Qaranka ee Degmada Xamarweyne ayna doonayo in lagu wareejiyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa waxaa uu sheegay in la doonayo magaalada Muqdisho sidii horaan ay u aheyd haatan ku soo laabato, waxuuna tilmaamay in Bacadlaha Qaranka uu ahaado dhawaan mid ay ka adeegtaan Shacabka reer Muqdisho.

“Waxuu dayactirka Bacadlaha Qaranka uu marayaa gabo gabo, waxaana Gacansatada Soomaaliyeed looga bahanyahay in ay isa soo diiwaan Galiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan, waana wada ognahay in Bacadlaha Xamarweyne ay Shacabka ka Adeeganjireen Maalin iyo Habeen waqti Walibana ay Furneyd” ayuu yuru Afhayeen maxamed Yuusuf .

Afhayeenka ayaa mar uu ka hadlayay Bilicda magaalada Muqdisho iyo sida ay suuro galeyso in Suuqa Bacadlaha uu noqdo mid shaqeya Xiliyada Habeenka ayuu sheegay in ay haatan Amniga magalada Muqdisho uu ayahay mid Wanaagsan Bilic ahaan ay aad u ifayaan leerarka ka shidan wadooyinka qaar ee magalada Muqdisho.

Ugu danbeentii Suuqa Bacadlaha Qaranka ee Muqdisho ayaa dhawaan laga saaray dad Barakacayaal ah oo muddo ku dhaqnaa dhismaha Bacadlaha, iyadoo ay markii ay dayactirka ka Bilowdayna ka dib ay maamulka Gobolka Banaadir Ganacsatada ka Codsadeen in ay isdiwaan Galiyaan.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.