Waxaa maalinta Jimcaha oo ay bishu ku beegan tahay 04/01/2013 ka bilaaban doona garoonka Altaraji ee xaafadda Sharafiyah, tartan lagu maamuusayo wasiirkii hore ee Isboortiga Allaha u naxariistee SULEYMAAN COLAAD ROOBLE oo ay soo qaban qaabiyeen gudiga fulinta ee xiriirka kubadda cagta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Waqooyiga magaalada Jeddah, gaar ahaan xaafadda Caneykish.
Tartankaas ayaa ilaa iyo haatan waxaa iska diiwaan geliyay 20 kooxood oo ku tartami doona, koobkaas qiimaha iyo qaayaha badan ee lagu xusi doono halyey Suleymaan Colaad Rooble naxariistii eebe Ilaahay janadiisa haka waraabiyee.
Tartankan cusub waxaa ku loolamaya labaatan kooxood oo loo kala qeybiyay 4 guruub oo A,B,C, iyo D ah, waxayna kala yihiin:
Group A:
Gumeysidiid, SYL, Fc-Shandi, Waaberi, iyo Daallo
Group B:
If. Caneykish, X.Marka, Midnimo, Kandara, iyo Dayax
Group C:
Baanow Stars, LLPP, Gold Star, Markacadeey, iyo If. Gacameey
Group D:
Barqash Stars, Goday, Dhimbil, W.Shabeelle, iyo Azuura
Ma’ahan markii ugu horeysay ee ay Gudiga xiriirka Kubadda Cagta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jeddah Caneykish qabtaan tartamo lagu qiimeynayo halyeeyadii dalka, waxaa Bishii ina soo dhaaftey ay soo gabagabeeyeen tartan Koob lagu xusayay halyey MOWLIID MACAANI, iyadoo koobkaasi ay hanatay kooxdii ku ciyaaraysay magaca MAKAROONA, kadib markii ay gool ku laad kaga badisay kooxda BARQASH STARS.
Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir “Diyeeshe”
diyeeshe@hotmail.com
Comments are closed.