Jaaliyada Soomaalida Ee Dalka Suudaan Ayaa Caawa Lagu Wadaa In Uu La Kulmo Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

jiinka January 2, 2013 Comments Off
Jaaliyada Soomaalida Ee Dalka Suudaan Ayaa Caawa Lagu Wadaa In Uu La Kulmo Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu la kulmo caawa Jaaliyada Soomaalida ee dalka Sudan.
Xaflad balaaran oo lagu soo dhawaynayo Xasan sheekh Maxamuud ayaa waxaa ay ka socotaa Magaalada Caasimada dalkaas waxaana xaflada ka qaybgalaya Ardayda kumanaan gaaraya iyo Jaaliyada kale ee dalkaas.

 

Dhinaca kale Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Sudan ayaa maanta kulan ay yeesheen waxaa ay ugu hadleen arimaha Siyaasada labada dal ,adkaynta xiriirka iyo Arimo kale.

 

Madaxwayne Al-bashiir iyo Xasan sheekh Maxamuud waxaa kale oo ay ka arinsadeen sida dowlada Sudan ardayda soomaalida ay uga saacida waxbarashada.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

 

Comments are closed.