Ciidamada Midowga Africa Ee Amisom Oo Hor Mar Ka Gaareen Howlaha Ay Ka Wadaan Soomaaliya

jiinka January 2, 2013 Comments Off
Ciidamada Midowga Africa Ee Amisom Oo Hor Mar Ka Gaareen Howlaha Ay Ka Wadaan Soomaaliya

Dr Nkosazana Dlamini Zuma ayaa waxa ay ugu horeyn soo qaadatay dalka Soomaaliya oo sheegtay in dhibaatooyin kala duwan ka dib lagu guuleystay in dalka dib ugu soo noqdo nidaamkii iyo kala danbeyntii ka jirtay islamarkaana la oran karo sanadkaan dalka waxuu galay hormar la taaban karo.

 

Waxay sidoo kale Gudoomayiha Midowga Africa Dr Nkosazana Dlamini Zuma ay shaaca ka qaaday in intaasi oo dhan kaalin weyn ay ka qaadeen ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya iyo Wadamada Taageeraya ee bixinaya dhaqaalaha ay ku howlgalayaan.

 

Gudoomiyaha Ururka oo ku dheeratay ka hadalka sanadkii tagay ayaa sheegtay in Midowga Africa uu gacan ka geytay hormarka wadamo badan oo soomaaliya ka mid tahay ayay sheegtay.

 

Waxa ayna tusaale u soo qaatay hormarka ciidamada ay ka gaareen nabad ku soo dabaalida Xarunta dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

 

sido kale waxy sheegay in dhibaatooyin ay ka taagnaan waxa tilmaantay hormaradii kala duwanaa ee dalka Ka dhacay sanadkii tagay sida soo xulistii odayaasha dhaqanka ee baarlamaanka.

 

Ansixintii dastuurka Soomaaliya,Doorashadii madaxweynaha Soomaaliya oo ay hoosta ka xariiqday in si xor ah ay u dhacday.

 

Ugu danbeyntii Dr Nkosazana Dlamini Zuma ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay kordhiso taageerida Midowga Africa si markaasi ay u suurta gasho in iyagana ay balaariyaan taageerida ay siinayaan dowlada Soomaaliya.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.