Xiriirka kubbadda cagta adduunka (FIFA) ayaa maal-geliyay mashruuc lagu magacaabo WIN IN AFRICA WITH AFRICA.
Iyadoo Soomaaliya ay nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto dalalkii ugu dambeeyay ee ka faa’iidaysta,.
Sida uu sheegay Cabdi qani Siciid Carab oo ah xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta.
Mashruuca caws ku goglidda garoonka kubbadda cagta ee Banaadir ayaa xarigga, laga jaray 17 julay 2008 waxaana lagu wadaa in howshan la soo afjaro bisha janaayo horeenteeda.
Cabdiqani Saciid Carab ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in howshan lagu soo afjaro waqtiga loo qabtay, isagoo intaas ku daray in marka howshan la dhameeyo la guda gali doono wejiga labaad ee mashruuca.
Wuxuu sheegay in wejiga labaad ee mashruuca ay ka mid tahay dhismaha qeybta loo yaqaanno V.I.P-da oo ay fariistaan dadka muhiimka ahi.
Dhisme weyn oo loo isticmaali doono inay degaan xulka qaranka kubbadda cagta, xafiisyada xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta iyo qeybo kale oo muhiim ah.
Qeybta V.I.P-da ayuu Cabdiqani sheegay in loo qeybin doono labo qeybood, qeyb waxay marti-gelin doontaa madaxda sare ee dalka sida madaxweynaha.
Raysul wasaaraha iyo guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ama madaxda booqashada ku yimaada ee ka socda guddiyada kala duwan ee isboortiga, halka qeybta labaad ay fariisan doonaan mas’uuliyiinta kale ee dowladda.
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta iyo dhalin yarada jecel isbortiga ayaa sii diirran u soo dhoweeyay tallaabada FIFA ay ku horumarinayso kubbadda cagta Soomaaliya.
Cabdiqani wuxuu rajo ka muujiyay inay magaalada Muqdisho sannadka dambe marti-gelin doonto cayaaraha caalamiga ah, hase yeeshee wuxuu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo inay ka soo rayso xaaladda ammaan ee dalka.
Mashruucan caws ku goglidda garoonka kubadda cagta ee Banaadir ayaa dib u dhac uu ku yimid dabayaaqadii 2009.
Xilligaas oo kooxihii Islaamiyiinta ay qabsadeen garoonka iyo hareerihiisa, isla markaana ay suurta geli wayday hirgelinta mashruuca.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.