Prof. Juurille oo u sharraxan xilka guddoomiyaha baarlamaanka

jiinka August 22, 2012 Comments Off
Prof. Juurille oo u sharraxan xilka guddoomiyaha baarlamaanka

Xildhibaan Cabdirsaaq Cusmaan Xasan (Juurille) oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in uu yahay musharrax u taagan xilka guddoomiyenimada baarlamaanka Soomaaliya.

Prof. Juurille oo la hadlay Saxaafada isagoo jooga magaalada Muqdisho ayaa sheegay in baarlamaannadii ugu dambeeyay ee dalka soo maray ay ka dhammaan waayeen muran iyo is-qab-qabsi, taasna ay sababtay inay ku fashilmeen gudashada howlihii loo igmaday.

Wuxuu sheegay in haddii loo doorto xilka guddoomiyenimada baarlamaanka cusub oo 20-kii bishan howlgalay, uu soo celin doono sharafta iyo karaamada uu lahaan jiray baarlamaanka Soomaaliya.

Prof. Juurille wuxuu sheegay in arrintaas ay ku kaliftay inuu ka mid noqdo musharraxiinta u taagan qabashada xilkaas.

Xildibaanka wuxuu kaloo ka hadlay sabab kale oo ku kaliftay inuu u istaago qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka, wuxuuna sheegay in nidaamka ku saleysan in beelo cayiman loo doorto jagooyinka sar sare ee dowladda uu yahay mid fashilmay oo u baahan in laga gudbo.

Juurille wuxuu rumeysan yahay in uu ku guuleysan doono tartanka, isagoo ka codsaday xildhibaannada baarlamaanka inay codadkooda ku taageeraan.

Prof. Juurille oo bartay cilmiga Chemical Engineering waa siyaasi ka soo jeeda deegaannada maamulka Puntland, wuxuuna horey xilal ka duwan uga soo qabtay dowladdii federaalka ee ku meel gaarka aheyd.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.