Booqasho oo maanta ku tagay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Damaaziin ee gobolka Blue Nile dhigiisa Dalka Suudaan Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir.
Sidoo kale madaxweynaha soomaaliya ayaa casuumad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Sudan Cumar Xasan Albashiir.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa soo dhaweyn qurux badan loogu sameeyay Gobolka Damasin.
Waxaana soo dhaweynta ka qeyb qaatay madaxweynaha Suudaan Cuma Albshiir.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa ay kulamo yeeshan doonaan dhigiisa dalkaasi kaas oo ay kaga wada xaajoonayaan xariirka labada wadan iyo isbadaladii ugu dambeeyay ee labada wadan soo foodsaaray bilihi lasoo dhaafay.
Socdaalka madaxweynaha uu ku tagay Suudaan ayaa ah inuu ka qeyb galo munaasabada 57 guuradii ka soo wareegatay marki Sudan ay xornimadeda ka qaadatay Ingiriiska.
Dowladda Suudaan oo ah wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa waxa ay noqonaysaa ka qayb galka munaasabadahooda Xariirka qotada dheer ee labada shacab iyo midka siyaasadeedba u dhaxeeya.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Suudaan joogi doona mudo 3 cisho ah, maadaama uu ka qeyb galayo munaasabada ay suudan ugu dabaal dageyso xornimadeeda.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.