Xalay oo xaflad ballaaran ka dhacday xarunta Degmada Howlwadaag ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiinta ugu sareysay maamulka Gobalka Banaadir.
Sidoo kale maamulada Degmooyinka qaar kamid ah ayaa waxaa loogu dabaaldagaye sanadka cusub 2013.
Masuuliyiinta ugu sareysay ee maamulka Gobalka Banaadir oo ka soo qeyb galay xaflada ayaa waxa ay halkaasi ka jeediyeen hadalo kala duwan oo dhamaan ay uga hadlayeen isbedalada sanadkaan.
Waxaa la soo dhaafay sandyo aad iyo aad u qiimo badan marka loo eego sida xaalada Magaalada Muqdisho ay tahay iyo isbedeladii dhanka ammaanka ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Sanadkaani cusub uu yahay mi dhashay iyadoo dalka Soomaaliya uu ka baxay KMG islamarkaana ay ka dhalatay Dowladda cusub.
Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay soo dhabeeyeen sanadkaani cusub ayaga oo aad ugu dabaal dagal sanadkaani cusub farxad weyna ka muujiyey sanadaka 2013.
Xaflada caynkaan oo kale ah misna loogu dabaal dagayo sanadka cusub ee 2013 ayaa waxa ay ka kala dhaceen Qaar kamid ah Degmooyinka Gobalka Banaadir.
Soomaalida ayaa siweyn uxusta sanadaha miilaadiga marka ay dhashaan halka aan si weyn loo xusin sanadaha cusub ee hijiriga marka ay dhashaan.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.