Garoomada K.Cagta Eritrea Oo Loo Magacaabay Khabiir Soomaali Ah Inuu Kormeero

jiinka December 31, 2012 Comments Off
Garoomada K.Cagta Eritrea Oo Loo Magacaabay Khabiir Soomaali Ah Inuu Kormeero

Xiriirka kubada cagta Africa ee CAF ayaa khabiir ka socda xiriirka Kubada cagta Soomaaliya Dr. Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan farey) oo horayna u ahaa garsoore heer FIFA.

 

Waxaa uu u socdaali doonaa dalka ku yaala waqooyi bari ee qaarada Africa Eritrea si uu usoo indha indheeyo garoomada kubada cagta dalkaasi.

Sidoo kale waxaa xeel dheerahani uu booqan doonaa hotelada waaweyn ee dalkaasi si loo ogaado in ay gaarsiisan yihiin heer ay marti gelin karaan saraakiisha FIFA iyo CAF iyo wufuuda caalamiga ah ee dalkaa imaan doonta.

 

Saraakiisha FIFA iyo kuwa CAF la dajidan doonaa hotelo heerkoodu uusan ahayn kan ugu sareeya aduunka.

 

Xasan farey oo kasoo baxay jaamacadii Lafoole ee Soomaaliya bartamihii 80-meeyadii ayaa lagu wadaa in uu gaaro magaalada Asmara 6-da bisha Janaayo ee sanadka cusub.

Waxaana inta uu socdo kormeerkiisa la shaqeyn doona saraakiil Eritrean ah oo ay ka mid yihiin xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagta Eritrea.

 

Agaasimaha guud ee wasaarada Isboortiga dalkaasi, sarkaal xaga amaanka ah iyo khabiiro dhanka cows-ka garoomada ah ee xiriirka kubada cagta Africa ee CAF.
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa si weyn usoo dhaweeyay magacaabista loo magacaabay masuul ka tirsan SFF in uu noqdo safiir matalaya xiriirka qaarada ee CAF.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrrashid@gmail.com

Comments are closed.