Kadib kulan ay maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay arimaha ammaanka dalka Soomaaliya iyo arimaha Dowladda.
Isbarashada xubnaha golaha wasiirada wasiir ku xigeenada iyo wasiir dowlayaasha ay maalin kahor Baarlamanku ansixiyeen kuwaas oo maanta kulanka Ka qeyb galay.
Shirka uu gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxaa kuwada suganaa dhamaan Golaha wasiirada iyo sidoo kale wasiir ku xigeenada marka laga soo tago labo wasiir oo dalka dibadiisa ku maqan.
Kadib markii la ansixiyay 10 ka wasiir ee xukuumadda 45 maalmood taas oo kadhigeysa in waxqabadkii ay xukuumadu balan qaaday 100-ka maalmood ay weli Kaharsantahay 55 maalmood.
Waxqabadka boqolkeeda maalmood ku dhameystireyso dhamaan waxyaabaha ay horay u ballan qaaday sida uu sheegay wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta.
Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in kulankooda maanta lagu soo hadal qaaday sidii ay golaha Wasiirada ee dhawaan la dhameystiray shaqada u qeybsan lahaayeen wasiirada.
Islamarkaana loo dardar gelin lahaa howlaha Qaranka loogana soo dhalaali lahaa Mas’uuliyadda ay dusha uriteen.
Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda Dowladda Soomaaliya ayuu tilmaamay in loosoo bandhigayo waxqabadka Golaha wasiirada iyo weliba wasiir kasta waxqabadkiisa maadaama loo baahan yahay in shaqo la qabto.
cumar c/rashiid
cumarashid@gmail.com
Comments are closed.