Wasiirada wasaaradda adeega bulshada ayaa ka qeyb gashay Shirweynaha oo looga hadlayey dhanka, waxbarashada sayniska iyo hiddaha.
Kulanka oo ay ka qeyb gashay wasiirka wasaaradda adeega bulshada ayaa waxaa yaabihii looga hadlay waxaa ka mid ahaa hormarinta waxbarashada dalalka carabta.
Wasiirka Horumarinta adeega Bulshada oo halkaasi ka jeedisay hadal dheer oo taabanayey baahida dhanka waxbarashada ee ka jirta dalka Soomaaliya ayaa waxa ay waddamada carabta ka codsatay in dalka loo qoondeeyo sanduuq gaar ah oo lagu maalgeliyo dhinacyada horumarinta waxbarashada iyo in gacan laga geysto dib u dhiska iskuulada.
Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay kulanka ayaa soo dhaweeyay hadalkii ay jeedisay wasiirka adeegga bulshada xukuumadda Soomaaliya iyagoona sheegay in ay si weyn u taageerayaan dowladda Soomaaliya.
Shirweynuhu wuxuu kaloo guda galay doorashada madaxdii isu soo sharaxday jagada Xoghayaha Guud ee Alecso.
Waxayna musharixiintu ka kala socdeen dawladaha Ciraaq, Kuwait, Tuniisiya iyo Muritaaniya, waxaana doorashada oo sir aheyd ku guuleeystay masuulkii ay soo sharxatay dawladda Kuwait.
Wasiirka waxaa ku wehliyay ka qeybgalka shirkaas agaasimaha waaxda Tacliinta Sare Ismaaciil Yuusuf Cusmaan iyo Xoghayaha guud guddiga qaranka ee dhanka Sayniska Hidaha iyo waxbarashada.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.