Xukuumadda Soomaaliya ayaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu wasaarada maaliyada ka dalbaday inay soo cadeeyaan dhaqaalaha guud ee ku baxo ciidanka.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu galayo fasax islamarkaana Bisha March 03-deeda Xukuuumadda Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada maaliyada looga fadhiyo inay keento dhaqaalaha ku baxo ciidanka.
Mahad Cabdala Cawad ayaa sidoo kale Xukuumadda Soomaaliya looga baahan yahay dhaqaalaha ku baxa shaqaalaha rayidka ee ka tirsan Dowladda iyo sidoo kale kuwa aan rayidka aheyn.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka doodaye arimaha miisaaniyada Xukuumadda iyadoo shalay ugu dambeyn la ansixiyay miisaaniyada Xukuumadda.
Baarlamaanka Soomaaliyana Wasaarada maaliyada uu uga fadhiyo inay keenaan qarashaadka ku baxa ciidanka inta uu la egyahay.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.