Orodyahanka Mo Farah Oo Uu Ku Xaqiijiyey In Mudo Saacado Ah Lagu Haystey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Portland Ee Gobolka Oregon ee Dalka Mareykanka Kadib Asalkiisu Uu Ahaa Soomaali

jiinka December 30, 2012 Comments Off
Orodyahanka Mo Farah Oo Uu Ku Xaqiijiyey In Mudo Saacado Ah Lagu Haystey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Portland Ee Gobolka Oregon ee Dalka Mareykanka Kadib Asalkiisu Uu Ahaa Soomaali

Mo Farah ayaa loogu Celshay Gudaha Dalka Mareykanak Argagixio ahaan isagoo Xitaa watay Biladihii Dahabka ee uu ku Guulaystay Ciyaarihii Olympics ka ee sanadkan lagu qabtay Magaalada London.

 

Geesigi Kooxdi GB ayaa ka mid ah dadka ugu Caansan Atletics Aduunka Waxaa Celshay oo Su,aalo Weydiiyay Qolooyinka Waardiyeeya Xadka Ka dib Markii ay Arkeen inuu ku dhashay Somalia.

 

Mo Farah wuxuu sheegay in xiligii uu loo qabtey shakiga argagaxisnimada in uu ka yimid magaalada Toronto ee wadanka Canada.

 

Isagoo xusey in uu doonayey in uu ka qaato wadanka Mareykanka deganaansho ay u diyaarisay shirkada Nike oo uu kula jiro heshiis uuna ku tababarto xarunteeda.

 
Mohmed farah oo 29 jir ah ayaa yiri’’ Waan Rumaysan la,ahay in Sababtu ay tahay Soomaali ahaanteeda Asalka ah Xataa hadii aan tusay Biladahaydi iyo Kuma aan ahay aniga Laakiin Maysan qaadan.

 

Mohamed farax oo kala yimid Britain ilmo ku dhashay England ayaa loo Riixay dhinac isaga Qoykiisa.
Wuxuu xaga u Wareegay Sanadki La soo dhaafay si uu ula shaqeeyo Rug Cadaaga Alberto Salazar Xarunta Nike.

 
Mohamed farah oo Ku Guulaystay Orodka 10,000 Metrs iyo 5,000 Metres ee Ciyaarihii London 2012 ayaa ka hadlay dhibkii uu la kulmay Markii uu isku dayay inuu Helo Daganaasho nolol. si uu ugu noolaado Portland.

 

Waxaan joognay Portland Visa Argagixiso Marka waxaa noola sheegay inaan ka baxno oo aan dib usoo Galno,

Marka waxay noqotay inaan dib ugu Noqono Torornto oo soo joogno Maalmo ka dib aan soo naqano ,Laakiin Marki Xaga aan tagnay Waxaan helnay Warqad Noo Sheegaysa in uu nagu socdo Baaritaan Argagixiso isla markaana aan ka joogno banaanka 90 Maalmood’’ ayuu yiri Mohamed Farah.

 

Xariir uu la sameeyay Mohamed Farax Macalin Salazar wuxuu ku daray inay lahaayeen Nasiin in Alberto uu lahaa Saaxiib la shaqeeya FBI kaa soo Ahaa Taageero I yaqaan kumaan ahay ka dibna Wuu Xaliyay.

 

Mohamed Farah markii la weydiiyay su’aalo badan islamarkaan la aqoonsadaya ayaa waxa uu sheegay in loo ogalaaday in u dhaqaaqo halkii uu doonayay.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.