Khasaarooyin Ka Dhashay Qarax Uu Xalay Ka Dhacay Magaalooyinka Jowhar, Marka & Afgooye Ee Gobolada Sh/Dhexe & Sh/Hoose

jiinka December 30, 2012 Comments Off
Khasaarooyin Ka Dhashay Qarax Uu Xalay Ka Dhacay Magaalooyinka Jowhar, Marka & Afgooye Ee Gobolada Sh/Dhexe & Sh/Hoose

Magaalooyinka Jowhar, Marka iyo Afgooye ee gobolada Sh/dhaxe iyo Sh/hoose ayaa waxaa xalay siyaabo ka kala duwan uga dhaceen qaraxyo loo adeegsaday bambaanooyinka nooca gacanta laga tuuro ah.

 

Waxaana la sheegay in qaarkood ay sababeen khasaarooyin kala duwan.

 

Guddoomiyaha xaafadda Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar ayaa waxaa ku dhaawacmay saraakiil iyo askar isugu jirta ciidamada.
Askarta iyo saraakiisha ku dhaawacantay weerarka ka dhacay xafiista Guddoomiyaha xaafadda Hanti-wadaag ee degmada Jowhar ayaa waxaa lagu sheegay inay gaarayaan illaa sedex ruux.

Inkastoo aan la kala cadeyn inay askar ahaayeen iyo inay saraakiil ahaayeen iyo inkale.

 
Dhinaca kale qaraxyo bambaano ayaa xalay iyana lagu qaaday xarunta nabad sugidda ciidamada dowladda Soomaaliya ee degmada Afgooye.

Waxayna dadka deegaanka sheegeen inay maqleen qaraxyo kala duwan iyo rasaas ka dambeysay oo la sheegay inay fureen ciidankii la weeraray lama sheegin khasaare ka dhashay halkaasi.

 

Weerarka lagu qaaday xarunta nabad sugidda ciidanka dowladda Soomaaliya ee degmada Afgooye.

 
Dhanka kale qarax loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ayaa lagu weeraray ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose.

 

Qaraxaasi ay ku dhinteen askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya,
Sidoo kalena uu dhaawac ka soo gaaray ciidamo kale kuwaas oo aan la ogeyn tiro ahaan inta ay la’egyihiin.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.