Wasiirada oo ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa faah-faahin ka bixiyay socdaalkooda Magaalada Kismaayo.
Sido kale Wasiirada ayaa waxay sheegeen in kulamo ballaaran ay soo wada qaateen maamulka KMG ah ee Kismaayo ayna kawada hadleen arimo badan.
Waxayna sheegeen iney aad ugu mahadcelinayaan maamulka KMG ah ee Kismaayo sida wanaagsan ee ay magaalada ugu soo dhaweeyeen iyo arimaha ay kawada hadleen.
Qaar kamid ah waxgaradka Magaalada Kismaayo ayna kasoo wada hadleen arimaha maamul usameynta Gobalada Jubbooyinka.
Muddo labo cisho ah ayey ku sugnaayeen Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose halkaasi oo ay kulamo kula soo qaateen masuuliyiinta maamulka Kismaayo.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.