Qiimeyn Lagu Sameeyay Stadium Muqdisho Bur-Burkiisi Ka Dib Si Dib Loogu Dhiso

jiinka December 29, 2012 Comments Off
Qiimeyn Lagu Sameeyay Stadium Muqdisho Bur-Burkiisi Ka Dib Si Dib Loogu Dhiso

Garoonka kubada cagta Stadium Muqdisho ayaa xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed Cabdi Qani Saciid Carab, Cali Cabdi Maxamed (Shiine) oo xubin ka ah guddiga fulinta xiriirka iyo Lex Vander oo ah qabiirka hada dhisaya garoonka Stadium Banaadir.

 

Ayaga oo booqday garoonka weyn ee Stadium Muqdisho soona kormeeray qeybaha uu garoonku ka kooban yahay soona qiimeeyeen baaxada burburka garoonka soo gaaray 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

 

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu weydiisanayo ururka FIFA in uu garoonkan dib u dhis ku sameeyo.

 

 

Waxaa uu xoghayuhu sheegay intii booqashadu socotay in khabiirku uu madaxda xiriirka siiyay talo iyo tusaalooyin ku aadan dib u dhiska garoonka oo xiriirku uu la kaashanayo ururka FIFA si cows artifishal ah loogu dhiso sida stadium Banadir oo iminka howl ku socoto.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.