Wasiirka Howlaha Guud & Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muxuyidiin Maxamed Kaalmooy Oo Ka Qeyb galay Kulan Looga Hadlayey Hormarinta Garoonka

jiinka December 28, 2012 Comments Off
Wasiirka Howlaha Guud & Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muxuyidiin Maxamed Kaalmooy Oo Ka Qeyb galay Kulan Looga Hadlayey Hormarinta Garoonka

kadib kulan uu laqaatay Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska dalka laamaha kala duwan ee garoonka Aadan Cade ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in lasugo amaanka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade.

 

Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska dalka Muxudiin Maxamed Kaalmooy ayaa waxa uu sheegay in garoonka Aadan Cadde uu yahay garoonka kaliya oo indhaha dadka ka sootaga dalalka kale uu qabanaayo loona baahan yahay in laxaqiijiyo amaankiisa.

 

Sidoo kale wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Muxudiin Maxamed Kaalmooy ayaa qeexay in loo baahanyahay in la hormariyo howlaha garoonka Muqdisho isgoona xusay in muhiimadu ay tahay hormarinta howlaha dowladda.

 

Dhanka kale wasiirka ayaa waxa uu sheegay in garoonka ay kajiraan isbarbar yaac uuna arinkaas ka codsaday masuuuliyiinta Garoonka inay wax ka qabtaan arintaasi.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa ka mid ah ilaha ugu waaweyn ee uu dhaqaalaha ka soo galo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana qorshaha hormarineed ee ay dooneyso Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska dalka uu qeyb ka ah qorshe guud ay Dowladda Federaalka u dejisay in lagu hormariyo dalka.

 

 

Wuxuuna sheegay in wixii xilligan ka dambeeya uusan sii socandoonin arinkaasi uuna kala hadlay Mas,uuliyiinta ay quseyso ilaalinta Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Waxaana uu xusay in Wasaaraddiisu aysan ogolaan doonin musuq maasuq.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.