Xildhibaan Dalxa ayaa ugu Baaqay Masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya in ay Kenya kala xaajoodaan dhibaatada ay ku heyso Shacabka Soomaaliyeed Maadama dowladdu ay Masuul ka tahay Shacabka.
Dalxa ayaa xusay in xaalad dhibaato oo aad u qalaafsan ay hadda haysato dadkaasi Soomaaliyeed isagoo tilmaamay in damiir kiisu uu siin waayay in uu ka aamuso dhibaatada dadkaasi ay ku noolyihiin isagoo ka codsaday dowladda Kenya in ay dhowrto xirirka Saaxiibtinimo ee kala dhexeysa dowlada Soomaalida.
Xildhabaanku waxa uu Carabka ku dhuftay in warbixinada ka soo gaaraya dalkaasi ay yihiin kuwa Caqabad ku sii beeraya Damiirka.
Muwaadinka Saxda ah ee ka damqanaya umaddiisa sidaa daraadeed Kenya looga baahanyahay in aysan sumcadda isaga dhigin dadka Sita Magaca Soomaaliyeed.
Dowlada Kenya falalkaasi dhibaato ka geysanaya dhulkeeda laakiin ay fiiriso marti soorka dadkaasi Soomaaliyeed ay ka mudanyihiin ee soo miciin biday in halkaasi noloshooda ay ku qaataan.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.