Saraakiil ka tirsa Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in hol gallaadani ballaaran ee ay maanta ka sameeyeen Magaalada Baladweyne ay ku soo qabteen kooxo ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Dadkaan la soo qabtay oo ubadnaa dhalinyaro ayaa la geeyay xabsiyo Maamulku uu ku leeyahay Xaafadaha kala duwan ee Magaaladaasi balad weyne.
Magaalada ayaa weli waxaa laga dareemayaa Howl gallo xoogan oo Ciidamadu ay ka sameynayaan Xaafadaha Magaaladaasi kuwaasi oo lagu soo qab qabanayo dad laga shakisanyahay in ay ka tirsanyihiin xarakada Al Shabaab.
Howl galadaani Maanta ka bilowday Magaalada Balad Weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay imaanayaan xilli Kulan ka dhacay Magaaladaasi laga soo saaray go’aano ay ka mid yihiin in Al Shabaab Gobolka Laga Sifeeyo.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.