Wasiirka Howlaha Guud & Dib U Dhiska Dalka Muxuyidiin Maxamed Kaalmooy Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Deeq Qalab Ah Oo Ay Dowladda Jabuuti Ugu Deeqday Dowladda Federaalka Soomaaliya

jiinka December 27, 2012 Comments Off
Wasiirka Howlaha Guud & Dib U Dhiska Dalka Muxuyidiin Maxamed Kaalmooy Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Deeq Qalab Ah Oo Ay Dowladda Jabuuti Ugu Deeqday Dowladda Federaalka Soomaaliya

Wasiir Muxuyidiin Maxamed Kaalmooy ayaa tilmaamay in qalabka loogu talagalay in lagu dayactiro dekedda.

Si isla markaana loo dar dar galiyo howlaha Dekadda Muqdisho.

 

Wasiirka ayaa waxa uu Carabka ku dhuftay in tababar ay siineyso wasaaraddu.

 

Shaqaalaha ka howl gala Dekedda Muqdisho si loo baro ku shaqeynta qalabkaasi Cusub islamarkaana Xirfadooda kor loogu qaado.

Wasiirka ayaa intaa sii raaciyay in ay jiraan dowlado kale oo doonaya in ay qalab u keenaan Muqdisho si kaabayaasha dhaqaalaha ay dib ugu soo noolaadaan.

 

 

Deeqdaan Qalabka ah oo ay Jamhuuriyadda Jabuuti soo gaarsiisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Xilli uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Idiris Aar Naa’uud Cali oo mar Muqdisho soo gaaray uu horay uballan qaaday in labada Baarlaman iyo labada Dekedood ee Soomaaliya iyo Jabuuti uu iskaashi dhex mari doono.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.