Wafuud Wasiiro Ah Uu Ku Jiro Xuseen Baantuu Ayaa Maanta Booqday Magaalada Kismaayo

jiinka December 27, 2012 Comments Off
Wafuud Wasiiro Ah Uu Ku Jiro Xuseen Baantuu Ayaa Maanta Booqday Magaalada Kismaayo

Wafdi wasiirro oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa halkaasi loogu soo dhaweeyay si heer sare ah.
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in safarkooda oo ujeeddadiisa ay ahayd inay u kuur galaan nabadgelyada magaalada Kismaayo iyo tan ciidamada.
Wasiirka ayaa sheegay in ay wadahadal saacado badan qaatay ay la yeesheen dadka deegaanka iyo Maamulka KMG ee Kismaayo.

Sidoo kale waxa uu tibaaxay inay isku afgarteen waxyaabihii ay ka wada hadleen inay si gaar ah ugala hadleen arrimaha maamul u samaynta.

Isla markaana wadatashi ay kala sameyn doonaan sidii maamul loogu sameyn lahaa

 

kaasoo uu tilmaamay inuu dadka deegaanka ka imaanayo dowladdana ay hoggaan ka noqoneyso.
Magaalada Kismaayo waa magaalo nabdoon shaqo weyn ayaa laga qabtay,

“Ciidamada kala duwan waa u mahad celineynaa xoreynta iyo xasilinta magaalada ay ku sameeyeen” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed.
Wasiirka ayaa sidoo kale caddeeyay in ciidamada ku sugan magaalada ay yihiin ciidamo taabacsan dowladdooda Soomaaliya.

 

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay intii aysan gaarin wafdiga.

Wafdigan uu ahaa kii u horreeyay ee ay dowladda u dirto tan iyo markii la qabtay magaalada bishii October ee sanadkan.

 

Inkastoo mad madow uu ka taagnaa arrimaha maamul u sameynta Jubooyinka oo ahaa mid ka mid ah caqabadaha ku hor gudbanaa dowladda Soomaaliya.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.