Wasiirka Wasaarada howlaha guud iyo dib udhiska Dalka Soomaaliya Muxudiin Maxamed Kaalmooy ayaa faa faahin ka bixiyay qorshaha dib udhiska dalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in qorshaha dib udhiska dalka Soomaaliya uu yahay mid ballaran ugu horeyna la sameynayo tirakoob qarashaadka ku baxaya dib u dhiska.
Sidoo kale Wuxuu sheegay in inta aan la bilaabin dib udhiska dalka Soomaaliya la sameynayo daqliga ku baxaya dhismaha xarumaha la doonayo in dib loo dayactiro in la ogaado.
Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in wasaarada howlaha guud iyo guriyeynta ay sameysay qorshe ballaaran oo dib loogu soo celinayo hantida Dowladda ee sida gaarka ah ay u heestaan dadka taasina iminka ay socdaan.
Ugu dambeyn wasiirka wasaarada howlaha guud iyo guriyeynta Xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxuu faah-faahin ka bixiyay shir uu kaga soo qeybgalay Magaalada Bak-daad ee dalka Ciraaq kaasi oo ay isugu yimaadeen wasiirada dib udhiska wadamada carabta.
Wuxuu sheegay in ka qeybgalka shirkaasi uu yahay mid muhiim ah islamarkaana Dowladdaha carabta uu usoo bandhigay inay ka qeyb qaataan dib udhiska dalka Soomaaliya oo muddo 20-sano burbur uu ka muuqdo.
Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay meesha ka baxday Xukuumadii dhexe ee dalka waxaa dalka uu cagaha la galay burbur sokeeye oo ilaa iyo iminka saameyntiisa ay muuqato.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.